|
 |
|
|
|
|
|
|
|
We are Hiring " IRF... kasur Tuition Lessons London Tackling TB in the S... London Tackling TB in the S... London Guryo Kiro iyo Iib a...
Are you looking for ... London Qeyb-ta 12aad -Sheek... London Education Officer, U... London Education Officer, U... London Project Manager, Som... London External Midterm Eva... London Programme Specialist... London 3 bderoom Fully Furn... NAIROBI Sheekadii HEYBE IYO... London Qiso Dhab AH AQRI nairobi kenya Ha noolaato
Somali Heroes
What will be become ... London Nagala soo bac somali Waving flag Somalia Sheekadii HEYBE IYO...
Guryo Cusub Oo Kiro ... Burco Hees Cusub - Deymada...
Asda Jobs Enfield Qeyb-ta 9aad London Qeyb-ta 9aad London World Health & Safet...
FREE online courses ... London FREE online courses ... London HORN OF AFRICA DRIVI... `Hackney Bristol to london bristol harai ahmed harari Edmonton Retail Security
Professionals are ne...
Ciqaabta qofka ka ta...
VAN London cheap tickets London Guri Iib ah Cairo FREE SIA Door Superv... London Landcruiser Gado 4.5... Baardheere Qeyb-ta 4aad.
5 x Dinner Ladies Westminister Dukaanka Qalabka qur... Nairobi Muslim Driving Schoo... Wood green/ Enfiels Qeyb-ta 3aad
Daryeel Construction... Hargaisa Shirkada Mubarak Gro... Garowe Security Training Islington Computer Technician ... London Room Attendant
Training London Mustaqbal Express London Qaybtii Labaad
Retail Security London 4 x Night Cleaner London accounting mombasa Professional Chauffe... London Osman's Removals London diesel jaban oo iib ... dubai Qaybtii Koowaad
Camel Meat - Boneles... London FREE COMPUTER LESSON... London FREE COMPUTER LESSON... Somali SAHAL TRAVEL London Health and Social Ca... London CUSTOMER SERVICE NVQ... London FREE Computer Traini... London SIA CCTV Security Tr... London Looking for Work? London Mans And Vans Servic... Dunbartonshire Builders, Painters, ... Dorset
|
|
|
|
|
Qeyb-ta 3aad
|
|
Date posted: Sunday 27 December
|
|
Location:
|
|
|
Sheekadii HEYBE IYO JECEYL-KIISII HUNGOOBEY..
Cutubka 1-aad:- SAFARKII SILOONAA.
Qeyb-ta 3aad.
Bahdeenii qaxootiga ku ahayd Mombasa iyagoon tebin tirsiga xilliga ee dushooda ku taabo gelaya ayay si aan ku talo gal ahayn u iloobeen geeridii Xaaji Dhenged, waxaana sii tabaraboobayay ganacsigoodii, intii reerku ka koob-naana waxay ku soo idlaadeen mombasa, masiibadii ka oogneyd Muqdisho-na waxay noqotay mid sii baahday oo magaalooyin kale ayay u martisay, taasina waxay meesha ka saartay rajadii qoysas badan oo ay ka mid yihiin reerkani ka qabeen ku noqoshada baradoodii, dantuna waxay qasab kaga dhigtay inay isu diyaariyaan sidii ay nolosha uga beegsan lahaayeen halkan.
Barbaartii si aanay dareemi karin ayaa hamigoodu ku hilmaamay halkii ay waayo badan ku soo qaateen, waxaad-na moodeysay inay ka mid yihiin Soomaalida ku dhaqantay dhul xeebeedka Kenya, noloshii ayaa isku furfurtay, hankooduna wuxuu haabanayaa hig sare, howlaha ganacsi oo ay markii horeba ka heysteen fikrad ku filan ayay ku sii fogaadeen, dhalintii xeys barwaaqo xambaarsan ayaa u hoorey.
Xaalkoodii oo sidaa ah, nimcaduna ilowsiisay xanuunkii qaxa, ayaa waxaa ku soo kordhay inay qeyb ganacsigooda ka mid ah u wareejiyaan magaalada Nairobi, halkaas oo ay Soomaalidu ka bilaabeen ganacsi, waayo waxaa soo badanayay dadka ka soo barakacaya gudaha Soomaaliya oo ay ekeeyeen dagaalo sokeeye, sahan ay sameeyeene waxaa uga soo baxay natiijo ay u riyaaqeen, Heybe iyo Siciid ayaana loo qoondeeyay qorshaha ganacsi ee laga amaamudayo Nairobi.
Heybe oo uu wehliyo ina-abtigii Siciid ayaa u qalab qaatay ka caano maalida howl maalmeedka curdinka ee ay ka yagleelayaan Nairobi, si dhib yaraan ah ayay ku gaareen halkii ay ku wajahnaayeen, sidoo kalena fudeyd ayay ku higaadiyeen hadafkoodii, oo waxay u muuqdeen kuwo la jaan-qaaday una jajaban ka jibo gaarida danta ay halkan u joogaan.
Bulshadii ay ku soo biireen ayaa u bogtay bashaashnimadooda, baxaaligooda shaqo, booli neceybkooda, beec aqoontooda, ayaa keenay inay buro dheeraadaan dadkii kale ee uga soo horeeyay ganacsiga ay Soomaalidu ka bilaabeen xarunta dalka Kenya ee Nairobi.
Marka la eego la dhaqanka bulshadana waxay ahaayeen kuwo baruudka iyo nasiibku u saamaxeen dabeecad aan la baafin Karin wax lala bar-bar dhigo, taasoo ay ku kasbadeen dadnimada aan lagu helin doonista ee ku timaada bixinta boqorka, lama muujin karo sida sharafta lagu mataaneeyay ee ay Siciid iyo Heybe u muteysteen qadarinta bulshadii ay waayuhu ku kulansiiyeen halkaas (Nairobi).
Waxayse ku wanaagsaneyd in aad ka mid noqoto intii ay horaantii sagaashanaadka isku barteen barbaartaas magaalo madaxda Kenya, kolkaasoo aad si kalsooni leh u heli laheyd tebinta iyo tiraabta sheekadu sida ay u muujisay dad la macaamilkoodu in uu yahay dhab, ama buunbuunin laga badbadiyay.
Noloshu way hilimo badan tahay, himiladeeduna maaha mid kooban oo meel keliya ku hilan, mid haddii aad hanato, howl kale ayaad ku hamineysaa, taasoo ku hiyi kicineysa, hankaadana ku labo liseysa heybinteeda iyo doon-doonisteeda, hadafka aadmiguna ma hirqadee har iyo habeen wuu haraadan yahay, wuxuuna hig dheer ka arkaa oo hiigsadaa hilaac nololeedka ka bidhaamaya harooyinka rajada gadaashooda, kaas ayuuna u hayaamaa si aan looga hor marin haleelada ka hoortay, ogoobey-na dadku waa habaqle had iyo jeer la hinraagaya daalka nolosha.
Halkaas ishaarta QALINKU waxay ii qabaneysaa Heestii HAYAANKU MA MEEL FOG-BAA, oo uu hal-abuurey mid ka mid ah Aabayaasha suugaanta casriga ah, Abwaan Gaariye, uuna ku luuqeeyay Ileys-kii kooxdii Wasaaradda Waxbarashada ee Iftin Sayid Khaliifa, taasoo gun iyo baar cabireysay hiraalka noloshu inuu yahay hiigsi joogto ah, iyadoo Heestu muujisey halganka ugu mudan ee noloshu inuu yahay midka aqoontu hageyso.
La soco qeyb-ta xigta.
F.G:- Xuquuqdu waxay gaar u tahay bogga www.somaliad.com, sinaba ha u adeegsan sheekadan idin la’aanta boggan.
Hal-abuurkii:-
C/naasir Dalmar Maxamed.
=shamsuddiin64@yahoo.co.uk=
©copyright of www.somalad.com
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|